
Ku soo dhowow
Barnaamijka Wakiilka TalkRemit
Noqo wakiil si aad u bilowdo ama u balaariso ganacsigaaga lacag dirista adoo adeegsanayo TalkRemit.
Bangiga Adduunka wuxuu ku qiyaasayaa qulqulka lacagaha la xawilo inay gaari doonaan ku dhowaad $600 bilyan marka la gaaro 2021. Sida ku cad dib-u-eegista Qiimaha Xawilida Lacagaha, bangiyada ayaa weli ah qaabka ugu qaalisan ee si caalami ah loogu diro lacag, iyadoo celceliska kharashka gaarayo 10.9% isweydaarsi maaliyadeed kasta. TalkRemit waa hal-abuurka tiknoolajiyadda maaliyadeed ee u dhow inuu xoojiyo horusocdkan iyadoo ka dhigayso dirista lacagaha kuwo u raqiisan oo u fudud inuu helo qof walba.
TalkRemit waxay imminka wax ku bixisaa 8 lacago shisheeye, laga bilaabo 20 dal oo lacagaha laga dirayo iyo ilaa 63 dal oo lacagaha laga qaadanayo. Kobaceena joogtada ah ayaa naga dhigayo kuwo si badan uga jawaab-celiyaan baahiyaha iskaashatadeena iyo macamiisheena. Iyadoo ugu wacan isku-xirka xooggan ee ka dhexeeyo bulshada Afrikaanka ah, waxaan bixin karnaa lacag faa’ido wadaag ah oo kuu dabacsan adiga iyo qiimaha ugu fiican ee loogu talagalay macaamiishaada si looga helo marinno lacag xawilid oo waaweyn dalalka Afrika. Fadlan fiiri liistada dalalka iyo marinnada aan u adeegno.
Fiiri waxa kale ee aan bixino ee laga helo Wakiilada TalkRemit.
Sababta aad ugu baahan tahay inaad TalkRemit
iskaashi lacag xawilid ula yeelato.
Isweydaariska bilaa lacagta caddaanka ah ee degdega iyo badqabka leh ee laga diro bangiyada ama kaarka bangiga. U dirista lacag 60+ dal, ikhtiyaaraad lacag qaadasho oo badan sida lacagta caddaanka ah, koontada bangiga, qaadashada lacagta caddaanka ah, koontooyinka elektarooniga ah ama telefoonka gacanta.
Badashada tirada macaamiisha adoo isdhexgal la sameynayo tirada bulshada Afrikaanka iyo Aasiyaanka ah ee lacag diristoodu sii kordhayso. Khidmad aad u hooseyso oo loogu talagalay marinnada ku yaala Afrika, oo daboolayso dalalka ku yaala Geeska Afrika.
Ilaa 6% faa'idadaada wadaaga ah ee wakiil ka noqoshada Boqortooyada Ingiriiska (fadlan nala soo xiriir si aad u ogaato qiimaha ka jira dalalka kale).
Mareeg si fudud loo isticmaali karo: U qoro macaashkaaga si shakhsiyan ah si aad u siiso qiimaha ugu fiican macaamiishaada. Dirista lacag badan oo sidoo kale loo yaqaano isweydaariska lacagta badan iyo sixida faahfaahinnada isweydaarisyada lacageed kahor inta la dirin.
Mashiinka kaarka bangaga ee ugu casriyeysan oo leh kaamarad/jeedaalis, daabacaad, iyo saxiix faro ayaa la bixiyaa si loo aqbalo lacag-bixinta kaar ee sugan
Taageerada Wakiilada TalkRemit ee la heli karo 24/7 ayaa kuu diyaar ah iyadoo loo marayo wicitaan telefoon, wadasheekeysi toos ah ama WhatApp-ka.
Ku noqo Wakiil TalkRemit dhowr maalmood!
Ma jeclaan lahayd inaad sameysato ganacsi lacag xawilid adoo adeegsanayo TalkRemit? U diyaargarow maalmo gudahooda!
Tallaabada #1
U soo bandhig inaad daneynayso wakiilka TalkRemit adoo gudbinaya foomka mareegeed ee ku jira boggan. Waxaan iimaylka kuugu soo diri doonaa su'aalo qoraal ah si aad u buuxiso oo noogu soo celiso.
Tallaabada #2
Waxaan u diri doonaa Maamulka Anshaxa Maaliyadeed (ee ku sugan Boqortooyada Ingiriiska) ama maamul kale oo qaabilsan u hoggaansanaanta shuruucda oo ku sugan dalka aad deggan tahay. Su'aalaha ama dib-u-dhacada ka jira FCA ayaa ku dari kara +1 maalin tallaabadan.
Tallaabada #3
Mar alla markii la ansixiyo, waxaad geli doontaa bogga TalkRemit ee loogu talagalay wakiilada.
Tallaabada #4
Samee tababar onlayn ah ama ka codso mid ka mid ah maareeyeyaasha koontooyinka inay ku siiyaan mid oflayn ah.
Tallaabada #5
Ka hel gaarsiinta lacagta Mashiinka Kaararka Bangiyeed (waxaan ku shaqeynaynaa aaladaha Clover) si loo aqbalo lacag-bixinta kaar ee sugan.
Miyaan u-qalmaa inaan noqdo wakiilka TalkRemit haddii ganacsigaygu ka baxsan yahay Boqortooyada Ingiriiska?
Haa, marka laga reebo Boqortooyada Ingiriiska, waxaan hadda aqbalaynaa wakiilo ka socda Sweden, Denmark, Norway, Germany, Italy, Netherlands, Ireland, Belgium, Spain, France, Austria, Finland, Bulgaria, Switzerland, Greece, Portugal, Croatia, Malta, Cyprus, iyo Canada.
Waa maxay lacagaha shisheeye ee aad aqbashaan?
Lacagta shisheeye ee aad bixiso waxay ku xiran tahay dalka koontadaada laga sameeyay. Tusaale ahaan, haddii koontadaada laga diiwaangeliyay gudaha Boqortooyada Ingiriiska waxaad awoodi doontaa inaad bixiso Lacagta Ingiriiska (GBP).
Miyaa codsadeyaasha Wakiilka Boqortooyada Ingiriiska looga baahan yahay Lambarka Caymiska Qaranka si ay u codsadaan.
Haa, jaangooyaha Boqortooyada Ingiriiska (FCA) wuxuu kaaga baahan yahay inaad qorto Lambarka Caymiska Qaranka. Haddii aadan hubin halka aad ka heli karto lambarkaaga Caymiska Qaranka, fadlan tixraac dukumiintiyada inta badan uu ku qoran yahay ee muujinaya lambarkaaga Caymiska Qaranka – kaarka Caymiska Qaranka, talada Lambarka Caymiska, ana jeegga mushaarka.
Terms and conditions
Data protection
Fursadu meel kasta ayay ka jirtaa
Maanta codso si aad ugu biirto shabakada Wakiilka TalkRemit
Taageerada
Kooxda Taageerada ee TalkRemit waxay halkan u joogaan inay ku caawiyaan kahor inta aadan go'aansan inaad noqoto wakiil lacag diro. Ha ka waaban inaad nala soo xiriirto laga bilaabo 9 subaxnimo ilaa 6 galabnimo Wakhtiga Ingiriiska (GMT), 7 maalmood isbuucii.
Fiiri Su'aalaha & Jawaabaha guud ama soo gudbi cabasho.
Na soo wac xilliyada shaqada aan ku jirno.
Waxaan ka jawaabnaa iimaylada; kaliya ku sheeg su'aashaada qeybta mawduuca.