About Background

Nagu Saabsan

Yaan nahay

TalkRemit waa bixiyaha adeegyada maaliyadeed ee caalamiga ah oo ay jaangooyaan Maamulka Asluubta Maaliyadeed ee Boqortooyadda Ingiriiska (UK) oo ku takhasustay lacag dirista dal ka dal. Mareegtayada lacag dirista onlaynka ah iyo app-kayaga lacag dirista telefoonka gacanta ayaa ka caawiya bulshada qurbajoogta ee caalamka inay taageeraan dadka ay jecelyihiin ee ku sugan dibadda, iyagoo khidmad ama buuq badan gelin.

Aragtidayada waa inaan dadka u dhoweyno xalal maaliyadeed oo aan xuduud lahayn oo buuxiya baahiyaha dunidayada sida aadka ah isugu sii xirmeyso.

Waxaan ka dhignay lacag u dirista adduunka mid degdeg ah, fudud oo ay awoodi karaan dadka oo dhan. Meel kasta aad adiga iyo qoyskaaga ku nooshihiin, waxaan dooneynaa inaan idiin fududeyno caqabadaha oo idin ka caawino inaad u maareysaan lacagihiina si sahlan.

Lacagtaada waxaa si ammaan leh u haya TalkRemit

TalkRemit waa Shirkadda Lacagaha Elektraooniga ah (EMI) oo si buuxda u shatiyeysan taasoo u fududeyso dadka inay u diraan lacag koontooyinka bangi, koontooyinka telefoonka gacanta iyo goobo lacag qaadasho dibadda ah. Waxaan adeegsanaa aaladaha ilaalinta lacag-bixinta oo casri ah si aan uga dhigno lacag dirista mid sugan waxaana bixinaadamaanadqaad lacag-celin oo 100% ah.

Hands

Safarka TalkRemit

Sida ay wax walba ku bilowdeen

La aasaasay 2016-kii, kooxdayada kala duwan ayaa u adeegsadeen khibradda ay ka heystaan nolosha soogalootiga ama arrimaha la xiriira adeegyada lacag diris ee jira si ay u sameeyaan wax si habboon ugu adeegga bulshooyinka soogalootiga ah ee ku kala teedsan caalamka.

Awood aad lacag ugu dirto qoyska iyo asxaabta ku kala sugan dunida oo dhan waxay soo jirtay sannado badan, balse waxay horaan u ahayd hannaan qaali ah oo habbooneyn. Lacag-direyaal ku jira safaf dhaadheer oo bixinayo khidmado sare iyadoo lacag-qaateyaasha ay sugaan maalmo si ay lacagta u helaan. Fikradda ka dambeyso app-ka lacag dirista caalamiga ah ee TalkRemit ayaa dhalatay!

Waxaan rabnay inaan dadka siino xal fiican ay ugu diraan lacagta dadka ay jecelyihiin ee ku sugan dibadda. Waan ku faraxsannahay inaan taasi sameynay. Imminka waxaan ku mashquulsanahay wanaajinta dagalkayaga iyo u sameynta tacab maaliyadeed oo dheeraad ah bulshadayada sida aadka ah ugu baahan, si uu u noqdo meel wax walba laga helo oo wax ka qabato baahiyaha soogalootiga ku sugan daafaha caalamka.

Waxa aan dhisnay ilaa imminka

TalkRemit waa app-ka lacag dirista caalamiga ah iyo dagalka lacag dirista ee sahlan ee bixiya habka degdega ah, sugan oo qiimaha jaban ee lacagta loogu diro dibedda. Adeegyadu waa kuwo si sahlan loo isticmaali karo, la isku haleyn karo waxaana kugu siin doonaa qiimaha ugu fiican dirista lacagaha, lacag kasta ha ahaatee. Way hooseeyaan khidmadahayaga – dhab ahaantii, waxaan rabnaa inaan bixino khidmada xawilaad ee u hooseyso ee suuga ka jirto.

App-kayaga lacag dirista waxaa laga heli karaa 17 dal ee lacagta laga soo diro waxaadna hadda lacag ugu diri kartaa dadka aad jeceshahay ee kaga sugan in ka badan 40 meelood dunida oo dhan. K daalaco taxaalkayga buuxa ee dalalka lacagta laga soo diro iyo dalalka loo diro halkan. Si joogto ah u eeg taxaalkan, maadaama aan mar walba ku darno dalal cusub!

Waxaad iska diiwaangelin kartaa onlaynka adoo galaya mareegtayada ama waxaad soo dejisan kartaa app-kayaga lacag dirista caalamiga ah, ee laga heli karo iOS iyo Android.

Transfer App

Waxaan sameynaynay: wax ka badan kaliya app lacag diris

Waxaan dooneynaa inaan ka caawino soogalootiga bangiyada lacagta dhigta iyo kuwa aan dhigan iyo bulshooyinka ay ka mid yihiin baahiyaha muhiimka ah ay qabaan ee maaliyadeed iyo bangiyeed. Kaliya ma dooneyno inaan dadka siino habab ammaan ah oo habboon si loogu diro lacago dadka la jecel yahay ee ku sugan daafaha dunida, waxaan sidoo kale dooneynaa inaan noqono meel ay laga helo wax kasta oo bangiyeed.

Dadka aan bangiyada dhigan lacagta imminka waxay dhan yihiin 1.7 bilyan oo dad ah, sida uu qabo Bangiga Adduunka.

Awood-siinta dadka aan bangiyada lacagaha dhigan iyo dadka la liido.

Dunida maanta ee digitaalka ah iyo isku xiran taasoo aan ku raaxeysano helida degdega ah ee xadka lahayn ee lacagahayaga iyo tacabka maaliyadeed ee lagu dabaqi karo, waxay u muuqataa mid cadaaladda ka baxsan in qeyb ka mid ah bulshada ay silcaan maadaama ay shirkadaha iyo adeegyada maaliyadeed aysan buuxinin baahiyahooda. TalkRemit ujeeddadeedu waa inay bedesho waxaas oo dhan.

Waxaan sameynaynaa adeegyo cusub si aan u siino aqoonsi iyo xorriyad maaliyadeed dadka aan bangiyada dhigan lacag iyo dadka la liido. Ujeeddadayadu waa inaan awood-siino dadkaan si ay ugu helaan si siman adeegyada kuwaasoo sida kale aysan heli lahayn.

video poster

Aragtida TalkRemit

Marka maxay TalkRemit-ka cusub u ekaan karaan? Hagaag, waxaan dhiseynaa xalal maaliyadeed oo fiican oo loogu talagalay soogalootiga iyo bulshada soogalootiga ah ee ku sugan daafaha dunida – dadka kootooyin ku leh bangiyada iyo kuwa dhibka ku qabaan inay helaan adeegyada iyo tacabka maaliyadeed ay u baahan yihiin..

Cid kasta aad tahay, waxaad naga heli doontaa adeegyada maaliyadeed ee aad dhab ahaan u baahan tahay, haddii aad guurayso, haajirayso ama nooshahay bilaa xorriyad maaliyadeed. Waxaan dooneynaa inaan noqono wax ka badan app lacag diris – waxaan dooneynaa inaan u noqono meel ay wax walba ka heli karaan bulshooyinka soogalootiga ah ee kku sugan daafaha caalamka.

Manage all your financial needs from a single app

Not only will our all-in-one financial solution enable users to send money to loved ones abroad quickly, safely and affordable, it will also offer new financial services for those without the means to control their finances freely and securely, as well as those who need better bank solutions.

Spend, save, budget, make payments and get more from your hard-earned money.

Watch this space for TalkRemit’s new services. Breaking down barriers with a financial app that is inclusive for all – that’s our vision.

Single App
Bag Icon

Sida app-ka lacag dirista caalamiga ah ee TalkRemit u shaqeeyo:

Mar alla marka aad doorato wadanka aad rabto inaad lacagta u dirto iyo nooca lacag dirista, hannaan 3-tallaabo ah oo fudud ayaa lagu dhammeystiri karaa lacag dirista caalamiga ah:

Transfer Step1
Money Bag
1. Geli caddada aad rabto inaad dirto
Transfer Step2
Persons Icon
2. Xulo lacag-qaataha
Transfer Step3
Icon Check
3. Dib-u-eeg, hubso oo dir